Jaamacadda Gedo Malaha waa riyo-Wayn iyo lama filaan , waxaa Hal-abuurkeeda iyo in la dhiso Jaamacadan ku hawlan Aqoonyahano ka soo jeedo Gobolka Gedo iyo dadkaloo soomaali iyo aqaaniiba leh . Run ahaantii waxaa la oran karaa waa arin aad iyo aad loogu baahan yahay, maxaa yeelay Gobolka Gedo waxaa ku nool dad soomaaliyeed oo aad u badan oolagu qiyaasi karo in ka badan nus Malyuun una baahan inay helaan tacliinta sare ee heer Jaamacadeed.
Jaamacadda GOBOLKA GEDO ama (GEDO UNIVERSITY GU) waxaa lagu wadaa in laga dhiso Degmadda ugu faca wayn Gobolka Gedo ee Baardheere Soomaaliya , Baardheere oo ah meel aad ugu caan barashada Diinta Islaamka ayaa runtii ah meel ku habooon Waxbashada iyo waliba Tacabka Beeraha, Hadaba waxaa la rajeynayaa in Jaamacadda dhowaan la bilaabi doono dhismaheeda.. HALKAN KA EEG Naqshadda iyo Goobta laga dhisi doono Jaamacadda Gedo,





